Dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo si weyn looga xusay Magaalada Nairobi

0
Tuesday January 29, 2013 - 08:31:36 in Qormooyin Diini Ah by Super Admin
  • Visits: 9145
  • (Rating 4.3/5 Stars) Total Votes: 23
  • 22 4
  • Share via Social Media

    Dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo si weyn looga xusay Magaalada Nairobi

    Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan Ruux oo ka kala yimid degmooyinka Magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah goboll

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan Ruux oo ka kala yimid degmooyinka Magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah gobollada Dalka Kenya ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Munaasabadaani oo ee soo qaban qaabiyeen Muslimiinta kunool dalka Kenya gaar ahaan magaalo madaxdiisa Nairobi ayaa waxa kasoo qeybgalay Culumo waa weyn oo siweyn loogu ictiraafo diinta islaamka kuwaasi oo ka kala yimid Dalalka Soomaaliya, Masar, Tanzania, Suudaan, Uganda iyo dalkan Kenya

Furitaanka xafladaani oo bilowgi hore ku bilaabatay Banaanbax aad uqiimo badan ee horkacayeen Imaamyada, Mudarasiinta masjidyada Ahlusunah Waljamaac ee magaalada Nairobi iyadoo sidoo kale banaanbaxayaasha ee horkacayeen gawaari ee ku rakiban yihiin cod baahiyayaal kuwaasi oo sii gudbinayay codadka Culuma’udiin ah caan ah kuwaasi oo kafaaleenayay qiimaha ee maalintaan uleedahay umada Muslimka gaar ahaan Muslimiinta kunool magaalada Nairobi.


Muslimiinta banaanbaxa sameeneesay oo soo xirtay dhar aad uqurxoon oo lagu xardhay amaanta suubanaheeni Muxamad (CSW) ayaa waxey qaadayeen Salawaat aad umacaan badan kuwaasi oo soo jiitay quluubti dadweynihi kaqeyb qaadanayaya banaanbaxa lagu weyneenayay maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad Naxariis iyo nabad Galyo Korkiisa ha ahaatee.

Dadweynihi banaanbaxayay iyo culimadi hogaamineesay ayaa isugu soo aruuray barxada weyn ee dugisga hoose dhexe ee islii kaasi oo isna kuyaalo bartamaha xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qudbado aad uqiimo badan ayaa waxa halkaa kasoo jeediyay Culuama’udiinka Ahlusunah waljamac ee horkacayaan Asharaafta kuwaasi oo si aad ah uga faalooday qiimaha iyo sharafta ee mudantahay dhalashada Nabigeeni Muxaumad (CSW) oo la weyneeyo.

Culuam’udiin Isugu Jirto Soomaali, Kenyaan, Masaari, Suudaanees oo eek amid yihiin Shariif Cabdulaahi Imaamka Masjidka 12Th Street ,
Dr Xasan Kenwa, Sheekh Musdafa iyo Qaar kale oo badan ayaa halkaa qudbado ku kala baxayo luqada kala gedisan uga jeediyay dhamaan Mucashaqiinti Rasuulka (NNKH) ee kasoo qeybgalay dabaal dega maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (CSW).

Jawiga Xaflada ayaa kusoo gaba gaboobay Farax iyo saruur .

Waa bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda Nairobi oo idin leh sanadkaan Kiisa Xiga Samo iyo Siyaado.

W/D: C/raxman Sheekh Cabdulaahi
Sawir Qaade: Siid Cali Sheekh Ax'ed yare
Isku Dubaridki Maxamud Sheekh Axmed yare
E-Mail: Warsheekh10@hotmail.com
Nairobi Kenya

Alert! You don't have any images assigned under this gallery yet...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.